MADAXWEYNAHA OO MAGAALADA GAALKACYO KA DAAH-FURAY TALLAALKA CARUURTA.

Gaalkacyo: 12 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka, Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku amaanay sida adeegyada Caafimaadka Puntland uu yahay mid baahsan oo gaarsiisan dhammaan deegaannada Puntland.

Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood ka socon doona muddo 7 cisho ah, waxaana ka shaqeyn doona 20 kooxood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad kuwaasi oo si wanaagsan aqoon ugu leh tallaalkan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee heer degmo iyo Gobol iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
MADAXTOIYADDA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading