MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA URURKA KAMAANDOOSTA DANAB EE CIIDANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ururka Kamaandoosta Danab ee Ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandoosta Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading