Garoowe: 07 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

- Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

- Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari.

- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.