MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIR IYO WASIIR KU XIGEEN KA TIRSAN GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIR IYO WASIIR KU XIGEEN KA TIRSAN GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND

Garoowe: 21 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

  1. Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.
  2. Waxaa Xasan Cabdalle Xasan loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading