MADAXWEYNAHA OO QAABILAY ERGAYGA QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA CATRIONA LIANG.

Garoowe: 11 November 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading