MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA GALMUDUG.

Gaalkacyo: 14 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad goboleedka Galmudug oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Aadan, waxaa ay isugu jireen Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug Iyo Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug iyo xubno kale Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta ka wada shaqeynta nabadgelyada, amniga, isu-socodka , ganacsiga iyo horumarka degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, iyo in Puntland iyo Galmudug ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan in la xaliyo dhammaan colaadaha qabiil ee Gobolka kusoo noqnoqday.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading