Madaxweyne Deni oo hanbalyeeyay Xildhibaanada cusub Ee la dhaariyay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen.

“Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading