Garoowe: 09 December 2020: Guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha Dowladda oo isugu jira Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada, iyo Shaqaalaha iyo Madaxtooyada.
Guddigan ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan halka uu marayo, qorshaha nidaamka mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah oo muddooyinkii u danbeeyay ay Guddigu ka shaqeynayeen.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay wuxuuna faray guddiga in dhakhso loo dhameystiro qorshahan, si mushahar kordhinta shaqaalaha ay u bilowmato Bisha January 2021.
Waa markii u horeysay mushahar kordhin la sameynayo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland, waxaana tani ay qeyb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha ee tayeynta dowladdnimada.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.