MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIYADA LABADA GOLE EE KA SHAQEYNAYAY GOBOLKA MUDUG.

Galkacyo : 05 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa warbixinta shaqooyinka laga qabtay Gobolka Mudug ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee ku sugan Gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo Hay’adaha Madaxa banaan, Saraakiisha Laamaha Amniga, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Waxaa Madaxweynaha lala wadaagay shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah:

1. Amniga iyo sida looga shaqeeyay degmada Gaalkacyo oo ay bulshadu boggaadisay lagana dareemay iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo Amniga oo isagoo qoraal ah lala wadaagay Madaxweynaha .

2. Nabadeynta iyo xallinta Colaadaha soo noqnoqday ee ka dhaca Gobolka Mudug.

3. Qorshaha biyaha looga saarayo magaalada oo ay guddiga loo xil saaray soo bandhigeen iyadoo qiimeyntii iyo wixii farsamo ah ee loo baahanyahay lasoo diyaariyey.

4. Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka, iyadoo la dhisay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariban howsheedu socoto.

5. Dhismaha Waddooyinka.

* Waxaa xariga laga jaray wejiga koowaad ee Wadada Laamiga ah ee bartamaha magaalada marta iyadoo qeybaha kale ee Wadada la qorsheeyay in la billaabo.

* Waxaa la qorsheeyay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo.

* Waxaa la saxiixay Heshiiska dib-u-dhiska iyo dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland oo ay wada galeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha dhisaya.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay oo ah ujeedooyinkii Wafdigu u yimi Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan si loo dhameystiro muddada lagu suganyahay gobolka Mudug.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading