MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY BANGIGA DOWLADDA LAANTA GAALKACYO.

Gaalkacyo: 12 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland Laanta Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey sida wanaagsan uu u socdo qorshaha Dowladdu ku horumarinayso Bangiga Dowladda, Sida ballaarinta xarumaha iyo in la gaarsiiyey adeega uu bixiyo mid la jaanqaada Bangiyada Adduunka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xumuumadda iyo Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo.

– DHAMMAAD –

-XAFIISKA WARFAAFINTA
MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading