Madaxweynaha Pakistan oo laga helay COVID-19

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Madaxweynaha dalkaas Caarif Calawi laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii Madaxweynaha lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Madaxweyne Caarif oo Qoraal kooban bartiisa Twitter-ka kusoo qoray waxaa uu ku sheegay in baaritaano lagu sameeyay lagu ogaaday inuu haleelay Cudurka COVID-19, isla markaana uu galay xaalad karantiil.

20-kii bishaan ayay eheed markii ra’iisal wasaaraha dalkaas Cimraan Khaan laga  helay Karoona Fayras, isagoo qaatay tallaalka looga hortago cudurkaan.

Mas’uuliyiinta kale ee laga helay cudurka waxaa ka mid ah wasiirka difaaca ee dalkaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading