Madaxweynaha Puntland oo booqday Ciidanka howlgalada ka wada Buuraleyda Gobalka Bari

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa booqday Buuraleyda Gobalka Bari oo ay howlgallo ka dhan ah Kooxaha Argagixisada ah ay ka wadaan Ciidanka Difaaca Puntland.

Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland ayaa inoo sheegay in diyaarad AirCopter ah oo ay lee yihiin Ciidanka PMPF Puntland ay Madaxweyne Deni ka qaaday Isniintii magaalada Boosaaso, isagoo tagay fariimaha Ciidammadu ku lee yihiin Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat, waxaana uu kulan kula yeeshay Saraakiisha Amniga.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlayay Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo ku guda jira howlgalka ayaa bogaadiyay, isagoona balanqaaday inay Dowladdu u dhameystiri doonto waxyaabaha ay u baahan yihiin, si ay u galaan buuraha lagu tuhmayo inay gabaadka ka dhigtaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Intaas kaddib Madaxweyne Deni ayaa galinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Boosaaso, isagoona kulan Wadajir ah la yeeshay Wasiirada Amniga, Maaliyadda, Taliyayaasha Ciidammada iyo La-taliyayaashiisa Amniga, kaas oo lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa gulufka dagaal ee ay galeen Ciidanka Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading