Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay
Guddoomiyaha degmada Dhudhub.
2. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay
Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.