Madaxweynaha Puntland oo ka degay Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd ka degay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni aya isla maanta xariga ka jari doona garoonka kubadda cagta Cawaale, kaas oo lagu dhisay si isku tashi ah ayna gacan weyn ka geysatay Xukuumadda Madaxweyne Deni, isagoona sidoo kale bilaabaya kulamo uu la yeelanayo, Maamulka, Waxgaradka iyo Isimada Gobalka Mudug.

Siciid Deni ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay socdaal ugu maqnaa dalka dibediisa, Wararka ayaana sheegaya in Deni oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS uu isku maray dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya,

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading