Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay geerida Sheekh Nuur Baaruud

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Shiikha la wadaagayaa, Culimada Soomaaliyeed, Ehelkiisii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading