Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland

Madaxweyne Deni “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyoodey dalka Hindiya. Marxuumku waxa uu dalkaasi u tegey xaalad caafimaad.

Waxaan dareenka tiiraanyadaasi la wadaagayaa masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey Marxuumku, Rabbi samir iyo iimaan haynaga-siiyo dhammaanteen, wuxuu ahaa masuul Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan Alle u waydiinayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.”

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading