Madaxweynaha Puntland oo kula kulmay Qardho taageerayaasha Ururka KAAH (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, ayaa caawa xarunta Ururka ee Qardho kulan kula qaatay Masuuliyiinta Golaha dhexe iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Ururka KAAH ee Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Masuuliyiinta, howl-wadeenada iyo taageerayaasha Ururka ee heer Gobol, Wuxuuna uga mahadceliyay sidii ay uga qeybgaleen diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Qardho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading