MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KULMAY AQOON-YAHANKA G. MUDUG.

Gaalkacyo; 12, Agoosto,2024:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay aqoon-yahanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo aqoon-yahanka ayaa looga hadlay adkaynta Amniga iyo xasiloonida, iyadoo la adeegsanaayo aqoon iyo caqlisaliima oo waaqici ah, hindisaha qorshe looga gudbo caqabadaha sababa Amnidarada, ololaha aqoon-yahanka ee ku wacyi-gelinta bulshada muhiimadda nabadda, horumarka iyo koncinta garaadka iyo hirgelinta hub ka dhigista bulshada, si looga gudbo waxyeeladiisa.

Sidoo kale kulanka oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa looga hadlay hirgelinta mashaariic horumarineed oo laga dhaxlo fursado shaqo, dhismaha Cisbitaal caalami ah oo daboola baahiyaha caafimaad ee bulshada iyo diyaarinta qorshaha maaraynta qashinka iyo biyaha magaalada (sewage system plan).

Aqoon yahanka gobolka Mudug ayaa dhankooda kulanka kusoo bandhigay daraasado ay ka sameeyey, sidii xal waara loogu helilahaa Amniga gobolka, loo dhisilahaa garaadka iyo waaqica bulshada, loo helilahaa fursado maangal ah oo bedela wax-yaabaha sababa caqabadaha jira iyo nabaddu muhiimadda ay u leedhaay dalka iyo dadka, si guud iyo si gaar ahba shacabka gobolka Mudug.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading