Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 01-Ogoosto oo ku beegan Aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliya 22-sano kadib.
Waxaa guddiga qabanqaabada iyo diyaarinta xafladda maalinta Asaaska Dowladda Puntland loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta hoos ku qoran:-
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)
- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)
- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada
Maxamed Xasan Ciise (Xubin) - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada
Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin) - Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)
- Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin) - Taliyaha Ciidanka Booliska
Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin) - Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada,
Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin)
-DHAMMAAD-
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.