Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 17 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Cabdisiciid Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Godobjiraan.
- Waxaa Axmed Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraaan.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.