MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO XAFLAD SOO DHOWEYN AH LOOGU SAMEEYAY BAYDHABO.

Baydhabo: 25 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading