Madaxweynaha Somaliland oo magacaabis iyo xil ka qaadis sameeyay (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay Wasiirka hormarinta Reer miyiga Somaliland, iyo Guddoomiyayaasha Goballada Sool iyo Gabiley, isagoo sidoo kale xilkii qaaday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Gaadiidka Somaliland.

1. Axmed Aadan Jaamac, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland.

2. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland.

3. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar, ayaa uu Madaxweynaha Somaliland ka qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading