HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray xilkii uga qaaday Saddex kamid ah Golihiisa Wasiirada, kuwaas oo ku eedeeysan arrimo Musuq-maasuq.
Madaxweyne Biixi, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo), Wasiirkii Gaashaandhigga Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle iyo Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Abees.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa Magacaabay Wasiirada cusub ee bedelay Saddexda Wasiir ee xilka laga qaaday, waxaa uu kala Magacaabay;
1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Xubnaha Wasiirada ahaa ee xilalka uu ka qaaday Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeeysan Musuq-maasuq, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay baaris ku hayay Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland, Iyadoona mar horeba xabsiga la dhigay Wasiirkii Warfaafinta.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.