Madaxweynaha Somaliya maku dayan doonaa Madaxweynaha Malawi?

“President Malawi Chakwera has cancelled all his international trips from now till the next fiscal year as one way of saving public funds amid the economic downturn.
Cabinet ministers and senior government officers using government funds abroad to return home immediately”.

Malawi waa Qaran mid ah oo Dowlad leh ayna umidaysan yihiin Miisaaniyadihiisa iyo Canshuurihiisa oo gaarsiisan heerka Dayn qaadashada ee caalamiga ah.

Halka Somaliya aysan ka lahayn Dowlad Qaran,Miisaaniyad midaysan,Canshuuro midaysan,Dalkuna uusan helin Dayn,waxa kaliya ee ay ku socoto Dowlada ku kooban Muqdisho ee Villa Somaliya farisata ay tahay Deeqo iyo Canshuurta yar ee laga qaado Garoonka iyo Dekeda Muqdisho.

MW Somaliya Todobaadkan oo qura,waxuu galay Sadex Safar,isla markaana,waxaa uqorshaysan Todobaadka danbe Afar kale.

Safar walba,waxaa Bangiga Dhexe ee Muqdisho laga soo saaràa Lacag loogu yeero sahay Safar MW oo gaarta ugu yaraan $50-100-kun.

Safarada MW Xasan hal mid oo ka mid ah kharashka ku baxa,waxa uu Biyaha kusoo fatahay wax ka tari karaa Degmo ka tirsan Gobolka Gedo ama Hiiraan.

Waa nasiibdarro hogaamiyihii Labada jeer Kursiga ku fariistay ee haystay PHD-da. Da’diisuna ahayd 70-jirka in hogaamintiisii sidaa umacno beeshay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading