Madaxweynaha Sudan Oo Shaqadii ka ceyriyay Wasiirkii Arimaha dibadda

Madaxweynaha dalka Sudan Omer Al-Bashir ayaa booskiisa ka ceyriyay wasiirkii arimaha dibadda dalkaas, sidaa waxaa lagu sheegay war lagu dabaacay wakaalada WARARKA Sudan ee SUNA.
 
“Madaxweynaha Sudan waxaa uu booskii ka bixiyay wasiirkii arimaha dibads Ibrahim Ghandiur ,” ayaa lagu daabacay wakaaladda SUNA.
 
Laakiin, arinta yaabka leh ayaa ah ineysan jirin wax sabab ah oo uu madaxweynuhu u adeegsaday xilka qaadistaas wasiirka lagu sameeyay.
 
Warbixin ay wasaarada Arimaha dibadda kusoo bandhigtay kulankii Baarlamaanka Sudan talaadadii lasoo dhaafay ayaa uu wasiir Ghandour ku sheegay in wasaaraddiisu ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale oo qoto dheer, isaga oo intaa ku daray in aanay awoodin in ay bixiyaan mushaarka wakiillada dibloomaasiyiinta ah ee dibadda toddobii bilood ee la soo dhaafay.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading