Madaxweynaha Tanzania oo booqasho uga bilaabay Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa booqasho labo maalmood qaadanaysa ku tagtay dalka Kenya, iyadoo kulan la qaadan doonta Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Ujeedada safarka Samia Suluhu Hassan, ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka Amni iyo ganacsi ee dalkeeda Tanzania uu la lee yahay dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo casuumay Samia Suluhu ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta uu kusoo dhaweeyo Aqalka Madaxtooyadda ee looga arimiyo Kenya.

Samia Suluhu Hassan, ayaa Madaxweynaha Dalka Tanzania loo dhaariyay 19-kii bishii Maarso, kaddib markii uu wadno xanuun u geeryooday John Magufuli, oo ay u aheyd Madaxweyne ku-xigeen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading