Madaxweynaha Ukrain oo Shil Baabuur galay

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa galay shil Baabuur, sida uu Afhayeenkiisa shaaca ka qaaday.

Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay baabuurkii madaxeynaha iyo kii ilaalaadiisa oo ku sugnaa caasimadda Kyiv, Sergii Nykyforov ayaa hadal kooban sidaasi ku yiri.

“Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu yiri.

Waxaana sidoo kale goobta lagu daweeyay darawalkii waday Gaariga rakaabka ah ee ay isku dhaceen gaadiidka madaxtooyada, waxaana lagu qaaday Gaari Ambalaas ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading