Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada oo kulan la leh Midowga Musharixiinta

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa ay haatan kulan la leeyihiin Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Hoyga ay Muqdisho ka deganyihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa waxaa looga hadlaya arrimaha Doorashadda, waxaana uu kusoo aadaya saacado kooban kaddib markii Midowga Musharixiinta ay ka horyimaadeen Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS ee kasoo baxay Shirka Golah Wada-tashiga Qaran.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading