Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo midowga Musharixiinta oo war ka dhan ah Farmaajo ku dhawaaqaya

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Midowga Musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo Sharif Sheikh Ahmed, ayaa kulan weli uga socdaa Magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo hor-jeedo damaca Farmaajo uu uga kororsaday muddo xileedkiisa Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakadda Idilnews in dhinacyadu ay isku raaceen in meel looga soo wada jeedsado muddo kordhinta, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa kulankii xalay muujiyay in ay kasoo horjeedaan damaca Farmaajo.

Waxaa lagu waday in Warmurtiyeed wadajir ah ay soo saaraan Madaxweyneyaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Midowga Musharixiinta balse wadatashiyo yar oo u dhiman ayaa sababay dib u dhac waqti kooban ah in warqaddaas ay soo saaraan.

Jimcaha maanta ayaa lagu wadaa in la dhammeystiro wadahadalka si ay usoo saaraan warmurtiyeedka ka dhanka ah Qorshaha waqti dheereysiga ah oo taageero ka waayay Wakiilada Beesha Caalamka & Daneeyaasha arrimaha Soomaaliya oo ku baaqay in dib loogu laabto wadahadalka salka uu u yahay heshiiskii September 2020.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading