Madaxweynayaasha Uganda iyo Somaliya oo kulan wada qaatay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Somaliyed si ay isaga dulqaadaan Alshabaab.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni,ayaa ku bogaadiyey Dowladda Somaliyed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska Dowladnimada Somaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading