Madaxweynayaashii hore Ee Somaliya oo ka anba baxay Garowe

Garoowe: 24 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir ee Garoowe kusii sagootiyey Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo Garoowe kaga qeybgalay shirkii looga hadlayey marxalada uu dalku marayo.

Sagootinta waxaa qayb ka ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac (MJ), Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Jaama Dabaraani iyo masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading