Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaa,ayaa caawa Aqalka martida afur sharafeed ugu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Jubbaland.

Afurkan oo sanad walba bisha Ramadaan uu Madaxweynahu u sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka,ayaa waxaa kasoo qayb galay mudanayaasha Baarlamaanka iyo gudoonkooda waxaa kale oo kasoo qayb galay Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka-sare eev Baarlamaanka JFS iyo qaar kamid ah golaha Xukuumada Jubbaland.

Afur sharafeedkan oo ah kii afraad oo Madaxweynahu u sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Jubbaland,ayaa ahaa mid la iskaga xog waraysanayay halka uu marayo xaalka dalka iyo hiigsiga Shacabka ree Jubbaland ee la xiriira dhismaha Dowladnimada.

Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.