Madaxweyne Axmed madoobe oo amaan iyo bogaadin kala dul dhacay Xasan Shiikh

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyay intii uu talada dalka hayay wada shaqeyntii soo dhexmartay iyo sida kaalin muuqata uu uga soo qaatay Madaxweynihii hore dhismaha maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta beri la filaayo inuu ka qaybgalo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in taariiqda ay xusi doonto Madaxweynihii hore ee dalka, maadaama si aanan horay looga baran Madaxweynayaashii dalka soo maray uu tanaasul u sameeyay wareegi labaad ee doorashada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Madaxweyne Axmed madoobe oo amaan iyo bogaadin kala dul dhacay Xasan Shiikh"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading