Madaxweyne Axmed Madoobe oo Baaq u diray Midowga Yurub (Daawo)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi ka socday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wafdiga waxaa  uu kala hadlay sidii la isugu  xiri lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo siman oo wax tar leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading