Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka dhoofay Garowe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed madoobe) iyo waftigii ku wehelinayay shirka wadatashiga Garoowe ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed abshir ee Garoowe, isagoo u kicitamay Magaalada Kismaayo.

Shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada oo 6dii maalmood ee u dambeeyay ka socday Garoowe ayaa fashil ku dhamaaday sida lagu sheegtay War-saxafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug oo eedayn uu soo jeediyay Madaxda federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa maalintii shalay diiday inuu ka qaybgalo kulamadii wada-xaajoodka ahaa ee ka soconay xarunta Madaxtooyada, waxaa uu ku eedayay madaxda federaalka inay carqaladaynayaan amniga iyo xasiloonida ka jirta Jubbaland, kadib markii ay israsaasayn ku dhexmartay garoonka diyaaradaha Kismaayo Ciidamada ammaanka iyo Ilaalada mid ka mid ah musharixiinta oo ka yimid Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland weli kama hadlin aragtidisii ku aadan shirkii Garoowe, hase yeeshee waxaa la filayaa marka uu ku laabto Kismaayo inuu shir jaraa’id uu qaban doono oo uu ku sharaxayo mowqifka maamulkiisa ee shirkii Garoowe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading