Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay geerida Hanti-dhowrihii Guud ee Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee Dowlada waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland Marxuum Cabdi Casiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdi Casiis wuxuu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee ummada.

“ Marxuum Cabdi Casiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Dowlada Jubaland isagoo mar walba ay ku weynayd sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo walaalnimo ugu wada noolaan lahayeen wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan isagoo wakhti iyo naf huris u muujiyay wakhtiyo adag oo bulshadu ay u baahnayd.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu Alle “SWC” uga baryay marxuumka inuu u danbi dhaafo naxariistii janana rabi uu ka waraabiyo.

DHAMAAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading