Madaxweyne Axmed oo dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Ceel-waaq

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhismaha golaha deegaanka Degmooyinka gobolka Gedo isla markana lagu bilaabi doono Degmada ceelwaaq iyadoo ay daba socdaan mashaariicda iyo hormarinta adeegyada bulshada ee guud ahaan Gobolka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray inay diyaar tahay Lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq isla markana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading