Madaxweyne Biden oo baajiyay Safarkiisii Urdun Ee kulanka Madaxda Carabta

Biden oo markii hore ay uqorshaysnayd in uu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha Carabta,ayaa haatan wararku sheegayaan in uu baajiyey safarkaasi.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu Madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka,ayaa lagu sheegay….

“Kadib wada-tashi uu la yeeshay Boqorka Urdun King Cabdallaha Labaad, isla markaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa in uu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo Madaxda Masar iyo Urdun.”

Aqalka Cad,ayaa intaas ku daray in…

“Madaxweyne Biden uu tacsi tiiraanyo leh u diray Dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkii Isbitaalka Qasa,isaga oo inta dhaawaca ah u rajeeyey Caafimaad deg-deg ah.

Madaxweyaha,ayaa sii wadaya in uu si dhakhso ah Madaxdan si fool ka fool ah ula tashto,ulana xiriiro maalmaha soo socda.”

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading