Madaxweyne Biden oo ka haray tartanka Doorashada Madaxweyne Ee Maraykanka

Madaxweyne Joe Biden,ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka Madaxweynaha Mareykanka,isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee Ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” Ayuu qoray Biden…

 

 

Halkan ka akhriso:-

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading