Madaxweyne Dani oo amaro dul dhigay Golaha Wasiirada Puntland

Siciid C/llaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta dul-dhigay Amarro Wasiiradii la shaqeynayay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C-wali Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweyne Deni ayaa warqad lagu qoray English oo laga soo saaray Xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Wasiiradii hore ee hada sii-hayaasha ah aysan qofna dalacsiin karin, sidoo kalane aysan qof shaqaaleysiin karin kana ceyrin karin shaqada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Wasiirada u sheegay in asyan jirin wax heshiis ah oo ay gali karaan, iyadoo lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha Qaramada Midoobay in dib u eegis lagu sameyn doono heshiisyadii hore loo galay si loo waafajiyo danta shacabka Puntland.

Sidoo Kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameyn doono dhamaan heshiiyadii Puntland ay la gashay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sababtuna waxa uu ku sheegay inuu hubin doono danta Puntland shacabkeeda ugu jira heshiisyada iyo baahiyaha degaanka ka taagan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading