Madaxweyne Deni “Dadka Reer Puntland waxaa gashay Cabsi aysan dhaqan u laheyn” (Daawo)

CARMO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay xaalada amni ee Gobalka Bari, Isagoona sheegay in Shacabka Puntland ay haatan la nool yihiin waxaan horey loogu baran.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in uu faraha kasii baxaya Sanadihii ugu dambeeyay amniga Gobalka Bari, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladda Puntland.

Waxaa tilmaamay in Ganacsatada Puntland ay bilaabeen inay ka cararaan Hantidoodi iyo Degaankii ay ku noolaayeen, taas oo uu xusay inay tahay bahdilaad aan horey loogu baran Bulshada ku dhaqanka Mandiqada Puntland, oo ahaa Bulsho u dirirta ku noolaanshaha Nabada iyo Sharafta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dadka ammaan darada ka wada Magaalada Boosaaso ay ugu horeeyaan Dhalinyarada Degaanka, isagoona wacad ku maray in ayasan jiri doonin cid ay uga heebeysanayaan jiritaanka Nabada iyo Nolashada Dadka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Dadka Reer Puntland inay u istaagaan ilaalinta nolashooda, ayna garab buuxa ku siiyaan in laga adkaado Cadowga ku haminaya inay baabi’iyaan wixii ay kusoo noolaayeen intii ay jireen oo ay ugu horeeyaan Nabada iyo Midnimadooda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu Shacabka kula hadlayay shalay Degmada Waaciye ee Gobalka Bari, isagoona la filayo in saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading