Madaxweyne Deni Gudiga dhaqaalaha

Garoowe: 08 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga arrimaha dhaqaalaha oo maalmahan ka shaqeynayey kasoo talabixinta sicirka sarifka lacagaha.

Guddiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda sicirka sarifka oo soo hagaagaya tan iyo markii ay dowladdu qaaday dhowr tallaabo oo wax looga qabanaayo cabashada la xiriirta sicirka sarifka.

Madaxweyne Deni ayaa maanta faray Bangiga Dowladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha xawaaladaha inay sameystaan qeyb sarifta lacagaha, iyadoo Hay’addaha dowladda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dowladda si dhow ula soconayaan wadashaqeynta Bangiyada iyo sicirka sarifka lacagaha.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading