Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise oo isku fahmay kulamadoodii hordhaca ahaa

Islaan Ciise,waa gar qaatay,markii Madaxweynuhu kula garnaqsaday…..

“Islaan 3-dii Bilood ee lasoo dhaafay 6-,jeer,ayaan kaa codsaday in aan kawada hadalno Labadeennu xaalka Garowe,waana iga Biyo diiday,hadalkaas Islaan Ciise garowshiyo,ayuu ka bixiyay”.

Haatan Islaanka iyo Madaxweynihii waa isku fahmeen kulamadoodii hore.

Islaanku,waxuu ka codsaday Madaxweynaha Laba Qodob in dib loogu dhigo oo fursad la siiyo,kuwaasoo kala ah…

1.Ku dhawaaqista Natiijadii Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Maxkamada Dastuuriga ah.

2.Ansixinta waxka badalka Dastuurka.

Dhankiisa Madaxweynuhu,waxuu codsaday in uu kala soo tashanayo ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xalay ayay kulmeen Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,iyagoo kawada hadlay soo jeedinta Islaan Ciise.

Caawa,ayaa mar Sadexaad kulan dhexmaridoona Labada Islaan iyo Madaxweynaha,kasoo la filayo in uu kasoo baxo go’aamo laysla qaatay.

Islaan Ciise,waxaa haligay Aaran-shaydaan,haatanse,waa kasoo baxsaday,waxaana loo baahan yahay in Xukuumadu utanaasusho oo karaamayso.

Islaan Bashiir dadaalkiisii,waxuu umuuqdaa mid miro dhal ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading