Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK oo ka wada-hadlay siyaasadda Soomaaliya (VIDEO)

Madaxwynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

Dowladda Ingiriiska ayaa la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading