Maraykanka oo si cad ugu sheegay Deni in uu PSF faraha kala baxo

Laba maalmood ka hor,waxaa yimid Garowe wefti sare oo ka socda Taliska Africom.

2-saac oo ay si gaar ah ula fariisteen Madaxweyne Deni,waxay ugudbiyeen Afar Qodob oo kala ah…

1.In uu Sharciyada hay’adaha amaanka dhamaystiro horgeeyana Baarlamaanka.

2.In la mideeyo dhamaan hay’adaha amniga,si gaar ah Pisa iyo mida ina Xaaji Khayr.

3.In ay talo ku yeeshaan Qofka loo dhiibayo hay’adaas.

4.In uu PSF faraha ka qaado fuliyana wixii ka dhiman heshiiskii ay wada gaareen.

Laba sano ka hor,ayay Maraykanku Qodobadan oo kale hor dhigeen balse muusan qaadan Madaxweyne Deni.

Maraykanku waxay diyaar uyihiin in ay Qalab,tababar iyo dhaqaale si buuxda ugu taageeraan hay’ada sirdoonka Puntland hadii Deni fuliyo soo jeedintooda.

Cilada ugu weyn ee Deni haysata waa gacan culays iyo xulasho xumo.

Hay’adaha amaanka Puntland Qodobada weftigaas soo jeediyay waa kuwa ay ubaahan yihiin,waxaana moodaa in ayba uga damqasho iyo fahan badan yihiin Madaxweyne Deni.

Maraykanku waxay usheegeen Deni in loo socdo midaynta hay’adaha amaanka Somaliya sida kuwa socdaalka loo mideeyay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading