Madaxweyne Deni oo amar dul dhigay Wasiirada Puntland

Madaxweynaha,ayaa faray dhamaan Golaha Wasiirada Dowlada Puntland Qodobada….

Mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland,waa in la waafijiyo siyaasadda Dowladda, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: –

1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU)

2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta

3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland

4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland

5. Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading