Madaxweyne Deni oo baaq u diray taageerayaasha Urur siyaasadeedka KAAH

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay maanta ka bilowdeen olalaha Ururrada siyaasadda Puntland, kuwaas oo ay isugu soo baxayaan taageerayaasha Urur kasta.

Siciid Deni oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay taageerayaasha Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee KAAH, ee ku sugan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, oo ay ka dhacayso doorashada hordhaca ah inay berri ka qeyb qaataan isku soo baxyada Ururka ee ka dhacaya degmooyinkaas, si u muujiyaan taageerada ay u hayaan Ururka KAAH.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading