Madaxweyne Deni oo bilaabay dhex-dhexaadinta Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka horyimid qorshe la doonayay in dacwad looga gudbiyo Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland  kuwaas oo Isniintii buuq ka kiciyay kulan ay yeelan lahaayeen mudanayaasha Baarlamaanka.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in Xildhibaano katirsan Golaha Wakiillada ahna garabka Guddoomiyaha Golaha ay u gudbiyeen dacwad ay ka diyaariyeen Mudanayaasha kale ee kasoo hor-jeeda Guddoomiyaha, balse uu ku gacan seyray Madaxweyne Deni isagoona sheegay in haatan aan loo baahneyn buuq cusub.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa xariir la sameeyay Xildhibaanada kasoo hor-jeeda Guddoomiye C/rashiid isagoona ka dalbaday inay xaalada dajiyaan, ayna muujiyaan tanaasul si looga baaqsado Buuq Siyaasadeed oo cusub, kaas oo aysan Puntland xamili karin haatan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading