Madaxweyne Deni oo Bulshada Bender-beyla kulan la qaatay

Banderbayla: 18 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa fagaare Kula hadlay qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Banderbayla oo kulan soo dhoweyn ah u sameeyay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Madaxweynaha ayaa Bulshada uga mahadceliyey soo dhoweynta, wuxuuna dhegaystay baahiyaha kajira deegaanka oo ay ugu horeyso Wadada Banderbeyla, wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay in muhiimad gaar ah Dowladdu siinayso Wadada Sidii dhakhso ugu dhismi lahayd si mustaqbalka ay Degmadu u hesho horumar, maalgashi iyo dalxiis wanaagsan.

Bulshada deegaanka ayaa cod dheer ku taageeray hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo muujiyey sida ay u garab taaganyihiin Urur Siyaasadeedka KAAH ee uu Guddoomiyaha ka yahay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading