Madaxweyne Deni Oo caafimaadkiisa laga dayrinayo

4-sano oo uu hogaamiyo Puntland Axmed Karaash waxay ubaahnaan doontaa Madaxweyne Xigeen macno badan leh si miisaanku isku keeno.

Sida Dastuurka Puntland qabo wakhtiga uharsan Madaxweynaha markaas talada haya hadii xil gudasho la’aan timaado,waxaa sii dhamaystiraya oo toos unoqonaya Madaxweyne ku xigeenkiisa,isla markaana waxaa la dooranayaa Madaxweyne xigeen.

Madaxweyne Deni waxuu la tacaalayaa Caafimaad daro ka haysata dhabarka,Neefsashada iyo Dhiig kar sida uu ii xaqiijiyay Qof ka agdhow Qoyskiisa.

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladiisa Caafimaad waxay sheegayaan in qaliin looga sameeyay xangulaha,kaasoo ka dhacay Dalka Kuwayd.

Horay waxuu balan Caafimaad ugu lahaa Dalka Jarmalka,balse waa la baajiyay markii uu xaalku kusoo ururay Qaliin khatartiisa leh oo ay dhakhaatiirtu xaqiijin waayeen in uu ka kici karo iyo in kale.

Madaxweynaha,ayaa dalka ka maqan maalinkii 17-aad,waxaana dastuurka Puntland qabaa in usan ka maqnaan karin wax ka badan Bil ama Sodon cisho.


Rabi ha caafiyo Madaxweyne Deni.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading